print
gareyso ama u dir qof kale

 

Asalaamu
caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh
Walaalahayga islaamka waxaan jeclahay inaan
boggaan kusoo qaato ducooyin. OO Alle s.w.
wuxuu quraankiisa meelo badan ku sheegay
fadliga ducada, oo wuxuu yiri: “Kuwii
xaqa rumeeyayoow xusa Alle wax badan” Al-axzaab
41.
Wuxuu kaloo leeyahay: “….Raga
imbadan Alle xusa iyo dumarka imbadan Alle
xusa, wuxuu Alle u diyaariyay dambi dhaaf
weyn iyo ajir weyn” Al-axzaab 35.

Rasuulka S.C.W. wuxuu isagana sheegay fadliga
ay leedahay ducada aniga oo hal xadiis kasoo
qaadanaya wuxuu rasuulkeenii suubanaa yiri:
“Tusaalaha midka Alle xusa iyo kan aan
Alle xusin waa sida kan dhintay iyo kan
nool.
Taasina wuxuu Rasuulka ula jeedaa
in midka Alle xusa uu yahay midnool, midka
aan xusin(oon baryin) uu yahay mid dhintay.
Run ahaantii haddii aynu biniaadam nahay
waan iloownaa inaan Alle barino markaan
nicmada iyo barwaaqada ku jirno, Wxaana
aan Alle xusuusanaa oon barinaa, markay
dhibaatada ina haysato. Taasina waxaa ugu
horeeysa naftayda. Waxaana ugu talagalay
boggaan inaan aniga iyo walaalahayga islaamka
ka faaiideeysano, isna xusuusino qiimaha
ay leedahay Alle bariga. Waxaana kusoo qaadan
doonaa intuu Alle iga karsiiyo.

Ducada musqusha
Ducada cuntada
Ducada aadaanka, masjidka, salaada kadib
Ducada hurdada
Ducada hindhisada
Ducooyin iskujira

Gelid musqul:

Ka bixid musqul:


cuntada horteed:

Haddaad iloowdo inaad marka hore dhahdo:

Cuntada kadib:


Ducada la aqristo
markaad aadaanka maqasho:

Ducada markaad masjidka galeyso:

Ducada markaad masjidka ka baxayso:

Ducada salaada kadib: waxaan soo qaatay mid
qura laakiin waxaad doonto baad ku duceeysan
kartaa.


Ducada markaad seexaneeyso:

Ducada markaad soo tooseyso:


Ducada marka uu qofku hindhiso:

Waxa aad adigana ku oraneyso:



Alloow nasii adduunka wanaag, aakhirana
nasii wanaag, nagana dheeree cadaabta naarta.
Al-baqara 201.


Alloow noo dambi dhaaf dambiyadeena, asturna
xumaanteena, naguna dil la jirka kuwa baariga.
Aali-Cimraan 193.


Allahanagoow waxaan dulminay nafsadeena (waan
damboownay), haddaadan inoo dambi dhaafin
oo aadan inoo naxariisan waxaan kamid noqaneynaa
kuwii qasaaray.


…Alloow hanaga yeelin lajirka daalimiinta.
Al-acraaf 47.


…Alloow hanooga yeelin fidmo qoomka daalimiinta
ah.
Nagana kori naxariistaada darteed qoomka gaalada
ah. Yuunus 85-86


…Alloow naga sii agtaada naxariis, noona
darab amarkanaga hanuun. Al-kahf 10

W/Q:
UmmuCabdullahi