Capital One Cup: Kooxda Sunderland oo ka adkaatay Manchester United

Jan 8, 2014 –

(Sunderland) 08 January 2014. Kooxda Sunderland ayaa guul gaartay naadiga Manchester United lugta hore ee Semi Final-ka koobka Capital One Cup kaddib ciyaar ku dhammaatay 2-1.

Goolka hore Man United ayaa iska dhalisay Ryan Giggs ayaa kubbad aan ula kas ahayn iska dhaliyey daqiiqadii ugu dambeysay ee qeybtii hore ee ciyaarta sidaas ayaana lagu kala nastay Sunderland oo 1-0 hoggaanka ciyaarta ku heysa.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ayey Man United la timid goolka barbaraha waxaana u dhaliyey kabtankooda Nemanja Vidic daqiiqadii 52-aad, kaddib markii kubbad ka timid koorno uu madaxeeyey.

Goolka ay Sunderland guusha ku qaadatay oo ahaa rigoore ayaa loo dhigay daqiiqadii 65-aad, markii Cleverley uu qalad ku galay mid ka mid ah xiddigaha Sunderland, isagoo ku sugan diilinta ganaaxa waxaana fursaddaas gool u bedelay Fabio Borini, sidaas ayeyna Sunderland guul 2-1 uga gaartay Man United ciyaartii ka dhacday garoonka Sunderland.

Waa kulankii saddexaad oo xiriir ah oo laga adkaanayo kooxdii guulasha ee Manchester United, kaddib Tottenham, Swansea City iyo kulanka caawa ee Sunderland, balse waynu arki doonaa waxa dhaca lugta labaad ee Old Trafford .

Xiddigihii u safnaa Man Utd: De Gea, Rafael Da Silva, Vidic, Evans (Smalling 61), Evra, Carrick, Cleverley (Fletcher 75), Valencia (Hernandez 87), Giggs, Januzaj, Welbeck.

Gool FM.